Waa kuma ninka haya Furaha Kacbada ee uu qoyskiisa ku wareejiyay nebi Muxammad NNKH?
Sheikh Saleh Al Shaiba waa qofkii 108-aad iyo tafiirtii Cuthmaan ibn Talxa (RC) oo Nebi Muxamed NNKH uu dhiibay furaha Kacbada una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda, Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee Xaramayn Shariifayn.Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada doctorate ka qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka Saleh Al-Shaibi waxa uu noqday sii hayaha furaha Kacbada sanndkii 2013 ka dib markii adeerkiis Abdulqader Taha Al-Shaibi uu geeriyooday Muqaal laga soo duubay sheekh Saleh al-Shaiba ayaa lagu soo bandhigay furayaasha Kacbada, ee albaabka Tawba ee sahlaya in la galo saqafka Kacbada iyo Maqam Ibraahim Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan. Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswah-da gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar.
0 Comments