Pakistan oo ka hadashay xaaladda Mareykanka iyo Iiraan, halka ay hadda marayso
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa sheegay in inkasta oo ay jiraan caqabado ka dhashay hirgelinta heshiiska, Pakistan ay sii wadi doonto dhiirrigelinta labada dhinac si ay u joojiyaan colaadda.
"Waxaan rajaynaynaa in xaaladda marinka Hormuz si degdeg ah loo xallin doono."
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda marinkaas, isagoo xusay baahida loo qabo ilaalinta amniga iyo in maraakiibta halkaas ka gudbaysa loo xaqiijiyo marin ammaan ah.
Toddobaadkan, Maraykanka ayaa weerar ku qaaday Iran, halka Tehran ay kaga jawaabtay iyadoo weerartay saldhigyo militari oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla dalalka Khaliijka.

0 Comments