Imaaraadka Carabta ayaa si qarsoodi ah saldhig militari uga dhisaya garoonka diyaaradaha Berbera,

kaas oo ay isticmaali doonaan Imaaraadka, Mareykanka iyo Israel, sida uu qoray wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde Warbixinta Le Monde ayaa sheegtay in dhismaha saldhiggan uu ka socdo garoonka Berbera oo qiyaastii toddoba kiilomitir galbeed ka xiga magaalada dekedda leh ee Berbera, xilli Somaliland ay xoojineyso xiriirka ay la leedahay Israel, isla markaana ay dadaal ugu jirto inay hesho aqoonsi caalami ah.Le Monde ayaa sheegay in mashruucan uu si gaar ah u soo xoogaystay kadib markii Israel ay 26-kii December 2025 aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay walaac ka muujiyeen ururro iyo dalal gobolka ah Le Monde ayaa sheegay in sawirro satellite ah ay muujiyeen dhismo iyo qodis ballaaran oo ka socday ugu yaraan saddex goobood oo ku yaalla dhanka koonfureed ee dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Berbera intii u dhaxeysay October 2025 iyo March 2026 Wargeyska ayaa sheegay in ugu yaraan 18 god oo dhaadheer laga qoday dhulka bacaadka ah ee aaggaas. Ilo amni oo Yurub ah oo uu soo xigtay Le Monde ayaa sheegay in qaab-dhismeedka dhulka hoostiisa laga sameynayo uu u eg yahay keyd loogu talagalay rasaasta, hubka ama haamaha shidaalka Sawirrada ayaa sidoo kale muujinaya konteenarro la dhigay godadkaas ka hor inta aan dib loogu shubin ciidda, sida lagu sheegay warbixinta. Khabiir militari oo uu xigtay Le Monde ayaa sheegay in shaqadaas uu fulinayo Imaaraadka Carabta, isla markaana ujeedadu tahay in la sameeyo keyd hub iyo agab militari Shaqaale ka tirsan garoonka Berbera ayaa sidoo kale wargeyska u sheegay in Abu Dhabi ay shaqadan u qabaneyso danaha Israel iyo Mareykanka. Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii 2017 heshiis difaac la galay maamulka Somaliland, kaas oo qeyb ka ahaa isticmaalka militari ee garoonka Berbera. Tan iyo markaas, Abu Dhabi waxay xoojisay saameynteeda dhaqaale iyo mid amni ee Berbera, gaar ahaan dekedda oo ay maamusho shirkadda DP World ee Dubai Saldhigan ayaa sidoo kale la sheegay in goobo dhulka laga taagay oo ka muuqday sawirrada satellite-ka ay muujin karaan qorshe lagu rakibayo nidaamyo difaaca cirka ah Wargeyska ayaa soo xigtay falanqeyn ay sameysay hay’adda International Institute for Strategic Studies, taas oo sheegtay in dhismayaasha la arkay ay u badan tahay inay la xiriiraan diyaargarow difaac cirka ah. Sidoo kale qaabka dhismayaasha ayaa la sheegay inuu la mid yahay mid lagu arkay garoonka Boosaaso ee Puntland, halkaas oo Imaaraadka uu sidoo kale ku leeyahay joogitaan militari.
0 Comments