Waad mudan tahay in kali lagu ahaado afar dhaaney
waad mudan tahay in qalbigayga meel aan cid kale waligeed gaadhin ku siin, sababta ah waxaad tahay qof aan mar walba ku dareemo daganaan, farxad iyo nolol cusub. mar kasta oo aan kula hadlo qalbigaygu wuxuu dareemayaa inaan erayo ku sheegi karin, waayo adiga agtaada waxaan ka helaa daryeel, kalgacal iyo jacayl aan baabi'in. haddii ay dunidu mar uun iga jeedsato, haddii ay jawaab adag tahay ama maalmo murugo leh i soo maraan, weligay ma illaawi doono in aad tahay qof i tusay waxa uu yahay jacayl dhab ah iyo qof la isku hallayn karo waxaad mudan tahay in magacaga qalbigayga lagu qoro, waayo ma tihid qof iska yimid oo iska tegaya ee waxaad tahay qof raad gaar ah noloshayda kaga tagay. mar kasta oo aan kaa fikiro waxaan dareemaa farxad aan caadi ahayn, qalbigayguna wuxuu i xasuusiyaa in qof sidan oo kale loo jecel yahay uusan sahal ku imaan. waayo waxaad tahay qof qalbi wanaagsan leh, qof hadalkiisa daganaan leeyahay, qof aan mar walba dareemo in uu joogo xataa marka masaafadu naga dhexeyso waxaan jeclahay sida aad ii fahanto xilli aan cid kale i fahmi waydo, waxaan jeclahay sida aad mar walba ii dejiso marka qalbigaygu daalan yahay, waxaan jeclahay sida aad ii dareensiiso in aan ahay qof muhiim kuu ah. mar walba oo aan kula joogo ama aan kula hadal waqtigu si degdeg ah ayuu ku dhaafaa, maxaa yeelay, qalbigaygu wuxuu helaa meel uu ku nasto. adiga waxaan bartay in jacaylku uusan ahayn erayo qurux badan oo la is dhaafsado oo keliya, balse uu yahay daryeel, ixtiraam, garab istaag iyo qalbi si dhab ah kuu jecel haddii maalin murugo ku hesho, waxaan rabaa in aan noqdo qofka kaa qosliya. haddii aad daasho, waxaan rabaa in aan noqdo qofka ku dejinaya. haddii ay dhib kaa hor libaax, waxaan rabaa in aan noqdo qofka ku xasuusiya in aadan kaligaa ahayn. sababtoo ah qofka aan sidaan u jeclahay marnaba ma doonayo inuu murugo dareemo ama cidlo isku arko waxaad tahay qof qalbigayga meel qaas ah ka galay, qof aan mar walba u sawirayo farxad, guul iyo nolol qurux badan. waxaan hore in waxa inaga dhexeeya uu sii noqdo qurux badan maalin walba, oo aan mar walba isku noqono dad is fahma, is qadariya, oo aan kala maarmin. waayo jacayl dhab ah marka uu calaamadaha lama ilaawo, mana fududa in qalbi si dhab ah wax u jeclaaday uu si fudud uga tago run, haddii la waydiiyo waxa ugu quruxda badan ee nolosha kusoo maray, waxaa laga yaabaa in aan ku xuso adiga, sababtoo ah waxaad qalbiga ka bartay dareen cusub oo aan hore u aqoon. waxaad iga dhigtay qof marmar qaar sabab la'aan u dhoola cadeeya, qof sawiraya Berri ka qurux badan, iyo qof qalbigiisa mar walba kuu ducaynayo. mar walba waxaan farxad in farxaddaadu kaaga farxaddayda, murugadaaduna aysan waligeed qalbigaaga ku sii nagaan waayo adiga waxaad mudan tahay wax walba oo qurux badan, waxaad mudan tahay in lagu ilaaliyo, lagu qaddariyo, lagu jeclaado si dhab ah oo qalbi nadiif ah leh.

0 Comments