LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qalpigu ma nastee

 

Qalpigu ma nastee


Waan ku jeclahay si aanan ereyo ku koobi karin. Qaar waxaan isku dayaa inaan qalbigayga waxa ku jira kuu sheegay, laakiin waxaan ku dhuftey in ereyadu ay ka gaaban yihiin dareenka aan kuu qabo. Adiga ayaad tahay qofka kaliya ee qalbigayga si dhab ah u fahmay, qofka aan la hadalkiisa ka daalin, iyo qofka aan mar walba ku nasto marka ay noloshu igu caddeyso  Maalintii aan ku bartay waxay ahayd maalin aanan waligay iloobibo, sababa adiga ayaa si tartiib ah qalbigayga uga galay meel aan cid kale gaadhin. Markii hore ma ogaanin in qof sidan qalbigayga u qabsan karo, laakiin maanta waxaan xaqiiqsaday in jacaylka dhabta ah yahay marka qof uu noqdo qayb ka mid ah naftaada, oo dheeshihiisu kuu noqdo murugo, joogitaankiisuna kuu noqdo farxad.  Waxaan jeclahay hadalkaaga, waxaan jeclahay dabeecaddaada, waxaan jeclahay qalbigaaga wanaagsan, waxaan jeclahay sida aad ii fahanto xitaa marka aanan wax badan sheegin. Waxaa jira waqtiyo aan murugsanahay oo aan qofna u sheegi karin waxa qalbigayga ku jira, balse adiga marka aan kula hadlo waxaan dareemaa daganaan iyo qori aan meel kale ka heli karin  Waxaad tahay qofka ugu quruxda badan ee qalbigayga degan. Ma aha qurux muuqaal oo keliya, balse waa qurux qalbi, qurux dabeecad, qurux hadal iyo qurux ixtiraam. Wax kasta oo aad qalbigayga farxad aan la qiyaasi karin. Qaar waxaan weydiinayaa waxa aan sameeyay ee Ilaahay soo beegay noloshayda, sababaha ah waxaad ii tahay hibo qaali ah oo aan waligay luminium. Markaan hurdada kaco adiga ayaa maskaxdayda ugu iibin, markaan seexanayana adiga ayaa fikirka ugu dambeeyay. Ma jiro maalin aan magacaaga qalbigayga ku soo dhicin, ma jiro saacad aan kuu hiloobin, mana jiro waqti aanan ku xasuusan. Adiga ayaad noqotay qofka qalbigaygu la qabsaday, jidhkashihiisa aan dareemo, iyo qofka joogitaankiisa aan ku farxo  Haddii la ii oggolaan lahaa inaan hal qof nolosha ku ilaashado weligay, adiga ayaan dooran lahaa. Haddii la ii sheegi lahaa inaan hal qalbiga qofiga ku qoro oo aan tirtirin waligay, magacaaga ayaan ku qori lahaa. Haddii la ii waydiiyo qofka aan ugu qaalisanahay, adiga ayaan tilmaami lahaa, sababta ah qiimaha aad ii leedahay laguma cabbiri karo hanti, lagumana qiyaasi karo ereyo. Waxaan rabaa inaad ogaato in jacaylkaygu aanu ahayn mid maanta jira oo berry baaba'aya. Waa jacayl ka qalbi daacad ah, qalbi ku bartay, ku fahmay, kuna qaddariyay. Waa jacayl aan ku salaysnayn muuqaal ama dano kale, balse ku salaysan qofka aad tahay, qalbigaaga iyo wanaaggaaga  Mar kasta oo aan kula kulmin waxyaalihii inaan dunida inteeda kale illoobayo. Hadalkaaga wuxuu qalbigayga geliyaa farxad, dhoolla-caddeyntaaduna waxay iga saartaa murugo badan. Waxaad tahay qofka aan ku arko iftiin, rajo iyo farxad. Waxaad tahay aan mar walba doonayo inuu faraxsan yahay, farxad ah farxaddaada waxay ii tahay gaar gaar ah  Hppie mcn, haddii aan kumanaan buug qoro, haddii aan erey isticmaalo, wali mayaan dhammaan sawirada aan kaa jeclahay iyo qiimaha aad qalbiga ku. Hal shay oo kaliya ayaan kuu sheegi karaa; adiga ayaad tahay qofka qalbigaygu doortay, qofka aan ku nasto, qofka aan ku farxo, iyo qofka aan mar walba ku faani doono. Meel kasta oo aan joogo, waqti kasta oo ay tahay, qalbigaygu wuxuu mar walba kuu hayaa boos aan cid kale geli karin. Adiga ayaa ahaan doona qofka ugu gaarka ah ee qalbigayga degan. 

Post a Comment

0 Comments