Hppie Macan aad isiisay wax aan shillimaad iyo maal toona goyn
Qalbiyeey , maalin kasta oo aan indhaha kala qaado waxaa qalbiga ku soo dhacaya adiga. Waxaad noqotay qofka kaliya ee noloshayda meel gaar ah ka galay, qofka aan la qabsan karin dhaqanshihiisa, qofka aan ka helo farxad aan meel kale ka heli karin. Markii ugu cunto ee aan kula kulmay ma aanan ogaanin in qalbigaygu sidaan kuu jeclaan doono, balse maanta waxaad tahay qayb ka mid ah naftayda oo aanan ka maarmi karin Markaan murugoodo adiga ayaa i dejisa, markaan dhame adiga ayaan la wadaagaa, marka daalana adiga ayaan ku nastaa. Codkaaga, hadalkaaga, daryeelkaaga iyo sida aad iila dhaqanto qalbigayga geliyeen jacayl aan dhammaad lahayn. Qaar waxaan is iraahdaa maxaa yeelay si aan u qof helo sidan u wanaagsan, qof i fahmaya anigoo ka hadlaya, qof dareenkayga akhrin kara anigoon wax sheegin . Haddii aan kula hadli waayo, qalbigaygu wuxuu dareemaa wax maqan. Adiga ayaa ah qofka kaliya ee aan lumin inaan la wadaago riyooyinkayga, himilooyinkayga iyo mustaqbalkayga. Ma aha oo keliya inaan ku jeclahay, balse waxaan ku qadariyaa si aan erayo lagu cabbiri karin Waxaan jeclahay dhoolla-caddaynta, waxaan jeclahay qalbigaaga wanaagsan, waxaan jeclahay sida aad ii fahanto, waxaan jeclahay wax kasta oo adiga kugu saabsan. Mar kasta oo aan ku fikiro qalbigaygu wuxuu dareemaa deganaansho iyo qabiili aan cid kale siin karin. Waxaad tahay qofka keliya ee qalbigayga si dhab ah u taabtay Haddi dunidu dhan iga soo horjeesato, haddana adiga oo garabkayga ayaan ku xaqan lahaa. Haddii dadka oo dhan iga tagaan, haddana adiga ayaa ii noqon lahaa adduunkeyga oo dhan. ifka jacaylka aan kuu qabo ma aha mid maalmo ama bilo ku dhamaanaya, waa jacayl qalbigayga ku qoran oo aan waqti tirtiri karin Qalbiyeey, waxaad ii tahay hibo qaali ah oo Alle ii siiyay. Waxaan dhowr maalin kasta oo soo socota ay ka qurux badnaato tii ka cunto, in farxaddeennu sii kororto, in kalsoonideennu sii xoogaysato, iyo in jacaylkeenna noqdo mid sii waraaya. Waxaan sida inaan mar walba kuu noqdo qofka kuu dhow, qofka ku garab taagan, qofka kaa tirtira murugada, kana qayb qaata farxaddaada Haddi aan haysto kun qalbi,mamka adiga ayaan ku siin lahaa. Haddii aan ku haysto eray oo jacayl ah, adiga ayaan kuu sheegi lahaa. Haddii aan haysto kun nololood, waxaan ku qaadan lahaa anigoo ku jecel. Waayo adiga ayaa tahay qofka qalbigayga degay, qofka naftaydu dooratay, iyo qofka aan mar walba jeclaan doono Hppie mcn, jacaylka aan kuu qabo ma yaraado, ma duqoobo, mana dhammaado. Maalin kasta wuu sii kordhaa sida ubax biyo helay. Adiga ayaan tahay farxaddayda, degganaanshahayga, rajadayda iyo qofka aan qalbigayga oo dhan ku jeclahay.

0 Comments