LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Adaan duhur iyo habeen hppie ku daawada

 Adaan duhur iyo habeen hppie ku daawada


Mararka qaar waxaan is iraahdaa sidee ayay suuragal u tahay in hal qof uu qalbigaaga sidan u saameeyo, haddana markaan adiga kaa fikiro waxaan helaa jawaabta. Waayo adiga ma tihid qof caadi ah oo noloshayda soo maray, waxaad tahay ruux qalbigayga si gaar ah u taabtay, dareenkaygana meel aan cid kale gaari karin gaarsiisay. Maalin kasta oo aan kula hadlo waxay ii noqotaa maalin ka qurux badan tii ka horraysay, sababtoo ah farxadda aan kaa helo waa mid aanan meel kale ka helin Markaan murugoodo waxaad noqotaa qofka ugu horreeya ee maskaxdayda kusoo dhaca, markaan faraxsana waxaad noqotaa qofka aan jeclahay inaan farxaddayda la wadaago. Adiga ayaa noqotay qofka qalbigaygu ku xasilo, indhahayguna ay ku farxaan markay arkaan magacaaga. Mararka qaar fariin yar oo aad ii soo dirto ayaa iga beddesha niyad xumo dhan, waxaana dareemaa degganaansho aanan sharxi karin Waxaan jeclahay sida aad ii fahanto xitaa marka aanan wax badan sheegin. Waxaan jeclahay sida aad ii qadariso iyo sida aad mar walba qalbigayga ugu dhowdahay. Waxaa jira dad badan oo nolosha yimaada oo taga, balse adiga waxaad noqotay qof aan qalbigayga ka bixi karin. Xusuustaada, hadalkaaga, qosolkaaga iyo dabeecaddaada wanaagsan dhammaantood waxay noqdeen wax aan maalin kasta ku farxo Haddii dunida oo dhan la i waydiiyo waxa ugu qaalisan ee aan haysto, waxaan oran lahaa waa qofka qalbigayga farxad geliya markasta oo aan xasuusto, waana adiga. Ma jiro qof kale oo booskaaga buuxin kara, sababtoo ah waxaad ii tahay qof gaar ah oo aan la mid ahayn cid kale. Mar walba waxaan ka baqaa inaan ku waayo, sababtoo ah waan ogahay in qof adiga kula mid ah aanan si fudud mar kale ku heli doonin Waxaan jeclahay inaan ku ilaaliyo qalbigayga dhexdiisa, inaan kuu duceeyo markasta, inaan kuu rajeeyo guul, farxad iyo nolol qurux badan. Haddii maalin ay adkaato noloshu, waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo qofka ku garab istaaga. Haddii aad murugootana waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo qofka kaa tirtiira murugadaas. Sababtoo ah farxaddaada waxay ii tahay farxad, murugadaaduna waxay qalbigayga ku reebtaa raad Maalin kasta oo dhaafta dareenka aan kuu qabo wuu sii kordhaa. Ma yaraado, mana is beddelo, balse wuxuu noqdaa mid sii qoto dheeraada. Mararka qaar waxaan la yaabaa sida hal qof uu qalbigayga ugu noqday wax walba, balse markaan adiga kaa fikiro waxaan garwaaqsadaa inaad mudan tahay dhammaan qadarin, ixtiraam iyo jacaylka aan kuu hayo Haddii aan habeen dhan wax kaa qoro wali kuma filnaan lahayn inaan sharaxo qiimaha aad ii leedahay. Haddii aan kumannaan eray isticmaalo wali ma awoodi karo inaan si buuxda u sheego waxa qalbigaygu kaa dareemayo. Waxa kaliya ee aan hubo waa in aad tahay qof aan aad u qadariyo, aadna ii qiimo badan Mcnn, mar walba xasuuso in aad tahay qof gaar ah, qof qalbi wanaagsan leh, qof ay adagtahay in la helo, qofna aan si fudud lagu illaawi karin. Haddii ay dunidu is beddesho, haddii ay maalmo adag yimaadaan, haddii ay waqtiyo kala duwan ina soo maraan, qalbigayga dhexdiisa waxaad mar walba ahaan doontaa qof qaas ah oo aan qiimihiisa marnaba lumin Waxaan kuu rajaynayaa farxad aan dhammaan, dhoolla-caddayn aan wajigaaga ka tegin, iyo nolol qurux badan oo ka fiican dhammaan riyooyinkaaga. Adiga waxaad tahay qof aan qalbigayga meel sare ka siiyay, waana qof aan mar walba ku xasuusan doono wanaag, qadarin iyo dareen aan dhammaanayn



Post a Comment

0 Comments